Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadweynaha Deegaanka Diinqal Oo Ka Cabanaya Cilad Ku Timi Ceelkii Ay Ka Cabi Jireen Iyo Xukuumada Oo Hoos U Eegi Weyday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadweynaha Deegaanka Diinqal Oo Ka Cabanaya Cilad Ku Timi Ceelkii Ay Ka Cabi Jireen Iyo Xukuumada Oo Hoos U Eegi Weyday.

0_IMG-20190822-WA0109-300x169.jpg
Dadweynaha ku nool deegaanka Diinqaal ee Degmada Sabowanaag oo qiyaastii 30Km Bari kaga beegan magaalada Hargeysa ayaa ka cabanaya cilada soo food saartay ceelkii ay ka cabi jireen biyaha.

Sida ay noo xaqiijiyey dadka ku nool deegaanka diinqal waxay sheegeen in ceelkii biyaha ay dadweynuhu ka cabi jireen uu mudo Sanad Iyo Lix Bilood ciladi ky timi,waxaana la sheegay in cilada uu ceelkaasi u fadhiyaa uu yahay pumkii biyaha soo tuuray oo xumaanay, balse wasaarada biyaha Somaliland ay tahli kari weyday in ay wax ka qabto

Dhanka kale dadweynaha ku nool tuulada Diinqal ee hootimaad degmad sabowanaag waxa ay si weyn uga cabanayaan baahiyaha asaasiga ah sida Caafimaadka iyo waxbarasahda.

Dhinaca kale dadweynahu waxa ay dhaliilo u soo jeediyeen masuuliyiinta degmada Sabowanaag iyaga xukuumada dhexe ugu baaqay in si deg deg ah wax looga qabto cabashadooda iyo maamulka fadhiidka ah ee degmada gacanta ku haya.

Waxaan la sheegayaa in masuuliyiinta ugu saraysay degmada Sabowanaag ay tamashleen ku joogaan caasimada Somaliland hargeysa, dadkii deegaankuna ay cabasho balaadhani ka soo yeedhayso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this