Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidamada Oo Isku Shaandheyn Lagu Sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan. unnamed-1-4.jpg

unnamed-2-2.jpg

unnamed-8.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this