Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Xasan Sheekh ee UPD oo hambalyo u diray mid ka mid ah madaxweynayaashii lagu doortay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland.

Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay boggaadinayaan sida hufnaanta leh ee guddiga doorashada Jubaland uu u agaasimay doorashada madaxweynaha ee maanta ka dhacday Kismaayo.

UPD ayaa ugu baaqay shacabka Jubaland inay ilaashaan nabaddooda islamarkaana ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo midnimada Jubaland.

Xisbiga UPD ayaan soo hadal qaadin xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo isna ay xildhibaannada is-beddel doonka ah u doorteen madaxweynaha Jubaland.

69394163_2432791363481769_56642219825692

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this