Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Fahad Yaasiin oo loo magacaabay taliyaha NISA, iyo 3 taliye kale oo lagu dhowaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu magacaabay taliyayaal cusub oo qaban doona hoggaanka talisyada ciidamada dalka.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii-hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka.

Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay taliyaha booliska. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah. Shirka golaha wasiirada ayaa weli socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this