Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dawladda Ayaan Doorashada Ogolayn…” Xildhibaan Nacnac Oo Xukuumadda KULMIYE Ku Eedeeyay In Aanay Diyaar U Ahayn Qabashada Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in aanay Dawladdu ogolayn inay qabsoonto doorashada Golaha Wakiilladu.

Xildhibaan-Nacnac.jpg

Xildhibaan Nac-nac waxa kale oo uu sheegay in marka si kale loo eeganaya aanay Xildhibaanno ahaan ogolaanayn in la galo doorashada iyadoo ay cabanayaan beelaha Darafyada iyo kuwa la hayb-sooco isla-markaana aan diwaangelin la samaynin.

Nac-nac oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In Beri doorashada la qabto waanu ogollahay, laakiin waa in sharci lagu qabtaa, Dadka Darafyada iyo kuwa laga tiro badan yahay way cabanayaan, markaa waa in saami-qaybsigii la sameeyaa, waa in tiro-koob la sameeyaa, laakiin aynu iska yaacno uun ma yeelayno oo waa khalad.”

Xildhibaanku wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay xildhibaanno ka dareeray Fadhi lagaga doodi lahaa in Komiishanka lagu kordhiyo laba Xubnood “Maalintii dhawayd ee la yidhi Komiishanka laba ha lagu daro, waanu yeellay in laba xubnood lagu daro, haddana xagga dambe ayaa la nagaga yimid oo waxa la yidhi diida, ka baxaa la yidhi oo wayba naga baxeen, markaa Dawladda ayaan doorashada ogolayn.” ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this