Deeq A. Posted August 22, 2019 Garowe (SMN) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan rasmi ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil. Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah: 1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame 2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 3: Cabdishakuur Maxamed Dige. Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay dadka Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites