Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergey ka socda Midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Danjire Abdoulaye Diop, oo yimid Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle .

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil AMISOM ka tirsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1566471884029.jpgFB_IMG_1566471876151.jpgFB_IMG_1566471887421.jpgFB_IMG_1566471895723.jpgFB_IMG_1566471891913.jpgFB_IMG_1566471873537.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this