Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Xafiis Gaar Ah U Furtay Dadka Ajaanibka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay si rasmi ah u furay daahfurka xafiis cusub oo dadka ajaabibka ahi ay u fududeyn doona adeegyada ay u baahan yihiin oo dhan.

Sacad-Cali-Shire.jpg

Xafiiskani wuxuu bixin doonaa adeegyo markii hore ay bixin jireen xafiisyo badan oo ka tirsan Wasaaradaha iyo laamaha dawladda, balse imika wixii ka dambeeya lagu mideeyey hal xafiis.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu adeegan cusub kaga dhawaaqay kulan maanta lagu qabtay xarunta laanta socdaalka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku weheliyeen Taliyaha guud ee ciidanka laanta socdaalka Sareeye Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), agaasimaha Guud ee Maaliyadda, Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasime ku-xigeenka waaxda Cashuuraha berriga Khadar Maxamed Maxumed iyo agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Cabdilaahi Axmed Raabi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inay maanta fureen xafiiskan oo iska kaashanayaan wasaaradaha Maaliyadda, Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo laanta Socdaalka Somaliland. Waxaanu tilmaamay in adeegaasi uu dadka ajaanibka ah ee Somaliland martida u ahi sida macalimiinta iyo  dhakhaatiirta  u fududeyn doono adeegga ay u baahan yihiin ay goob kaliya ka wada heli doonaan, halkii ay markii hore xafiisyo kala duwan ka tagi jireen, waxaanu xusay inay ka raysan doonaan xafiisyadii faraha badnaa ee ay hawlahooda la tagi jireen.

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in adeegan oo noociisu ku cusub yahay Somaliland ay rajaynayaan inuu wax badan ka beddeli doonto habka loogu adeego dadka ajaanibka ah ee dalka yimaada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this