Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskii Caa’isho Yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil.

Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil.

Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah:

1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame

2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame

3: Cabdishakuur Maxamed Dige.

Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay Ummadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this