Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti Oo Shaacisay In Ayna Ka Rajo Dhigin Kursiga Qaramada Midoobay Ee Kaga Guulaysatay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Maxamed Siciid Daa’uud ayaa sheegay in ayna weli ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya.

geelle.jpg

Safiirka ayaa sheegay in ayna is dhiibin dowladdiisa, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi.

‘’Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yidhi Daa’uud.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ‘’Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’

Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this