Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Axmed Madoobe oo dib loogu doortay hoggaanka Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)  – Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii saddexaad loo doortay hoggaanka maamulkaasi, kadib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa ku soo baxay wareega koowaad ee doorashada, isagoona helay 56 cod

Sidoo kale musharraxa labaad oo aheyd Canab Maxamed Daahir ayaa heshay 17 Cod

Musharraxa saddexaad oo isna ahaa Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) ayaa isna helay 1 cod, sida uu shaaciyey guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed.

Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii ogaa inuu ku soo baxayo Axmed Madoobe.

Dhinaca kale doorasho ay qabsadeen musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa ku soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isna loo doortay madaxweynaha cusub ee Jubbaland.

Doorashadan oo saacad ku soo gabagabowday ayaa ka dhigeysa in haatan Jubbaland ay leedahay labo madaxweyne.

Beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa horay uga digay in ay xiisado hor leh ka dhashaan doorashooyinka maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this