Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Laalay Sharuucdii Difaacayey Carruurta Qaxootiga Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Sharci cusub oo ay soo saartay xukuumadda Washington ayaa sheegaya in dadka qaxootiga ah oo ay ku jiraan Caruurta aan qaan gaadhin in xeryaha xabsiga ah lagu heyn doono illaa intii la doono.

7dc65cb80b5649cc96419c3ffc60b4a7_18.jpg

Sharcigii hore ee dalkaasi ka jiray ayaa qeexayey in Caruurta aan qaan gaadhin lagu heyn karin xeryaha in ka badan 20 maalmood inta ay sugayaan dhageysiga dacwadooda ay ku codsanayaan magangelyada.

Xukuumada Trump ayaa ku dooday in sharuucdii hore ee la xadhiidhay dadka qaxootiga ah iyo kuwa soogalootiga ay ahaayeen kuwo dhiirigelinayey in dadkaasi ay yimaadaan Maraykanka, wuxuuna ololahan qeyb ka yahay cadaadiska uu maamulka Donald Trump saarayo dadka magangelyo doonka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this