Deeq A. Posted August 22, 2019 (SLT-Moscow)-Wadamada Ruushka iyo China ayaa codsaday kulan deg deg ah ee Golaha Amaanka maanta oo Khamiis ah iyagoo ka cadheysan tijaabadii Maraykanka sameeyey ee Gantaal cusub oo ay sheegeen inuu halis ku yahay xasiloonida iyo degenaanshaha caalamka. Militariga Maraykanka ayaa Isniintii shaaciyey inay tijaabiyeen Gantaalkan oo ah nooca loo yaqaan (cruise missile), waan tijaabadii ugu horeysay ee uu Maraykanka sameeyo kadib markii uu dalkaasi sanadkan isaga baxay heshiiskii [Intermediate-Range Nuclear Forces Treaty (INF)] ee la saxiixay xiligii Dagaalkii – Qaboobaa, heshiiskaasi oo xakameenayey in Maraykanka iyo Ruushka ay sameeyaan gantaalada noocaan ah. Maraykanka ayaa la rumeysan yahay in tijaabadan uu uga dan lahaa inuu fariin ugu diro dowlada China oo ay xiligan kula jiraan loolan dhanka ganacsiga ah, waxaana arrintaasi xaqiijiyey Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Mark Esper oo wareysi siiyey telefishinka Fox ee wadanka Maraykana. Source Share this post Link to post Share on other sites