Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Qadar Oo Dib Uga Noqotay Taageeridii Ay Muujisay Cadaadiska China Ku Heyso Muslimiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Dowlada Qatar ayaa kamid ahayd wadamadii islaamka ee saxiixay qoraal lagu difaacayey dowlada China oo loo gudbiyey Golaha Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

qatar-muslimiinta-shinaha.jpg

Qatar iyo 37 wadan oo kale oo u badan Muslimiin ayna ku jirto Soomaaliya ayaa difaacayey dowlada China inay tahay mid tixgelisa muslimiinta, wuxuuna qoraalkaasi la saxiixay bishii Luulyo uu jawaab u ahaa Warqad ay Qoreen dalal u badan EU-da oo cambaareeyey gabood-falada China ku heyso Muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang ee dalka Shiinaha.

China ayaa difaac ka dhiganeysay qoraalkaasi taageerada ah oo ay ka heshay dalalka Islaamka oo ay xiriirka wanaagsan leeyihiin si ay isaga difaacdo cambaareynta uga imaaneysay dalalka reer Galbeedka.

In ka badan 1.5 milyan oo muslimiinta ku nool gobalkaasi Xinjiang ayaa hada ku xiran xeryo ay u sameysay xukuumada China oo sheegtay inay dadkaasi yihiin xagjir ay dhaqan celin u sameynayso, balse hay’ada xaquuqul insaanka ayaa sheegay in dadkaasi muslimiinta ah kaliya loo xiray diintooda.

Arrintan ayaa keentay in dalalka Reer Galbeedka ay cambaareeyaan falalkan ay dowlada Shiinaha ku heyso muslimiinta, horaantii bishii Luulayo ayey dalal u badan kuwa EU-da qoraal ay u gudbiyeen Golaha Qaradamada Midoobay xaquuqul Insaanka u qaabilsan ku cambaareeyeen ololaha Dowlada China ay ku cadaadineyso muslimiinta Xinjiang.

Waxaana kamid ahaa dalalkaasi u dooday xaquuqda Muslimiinta Shiinaha:

Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Iceland, Ireland, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK

Waxaa xusid mudan in wadamadan u dooday Xaquuqda Muslimiinta China uusan ku jirin hal dal oo Muslim ah.

Balse waxaa la yaab noqotay maalmo kadib inay iyaguna waraaq kale ka dabo qoreen dalal gaaraya 37 oo u badan Afrikaan iyo Muslimiin ay hogaamineyso Boqortooyada Sacuudiga, dalalkaasi oo difaacaya dowlada China oo ay la leeyihiin xiriir ganacsi iyagoo difaacay gabood-falada China ku heyso muslimiinta ku nool dalkeeda.

Dalalka difaacay siyaasada Dowlada China ee ku aadan Muslimiinta Xinjiang waxay kala yihiin:

Algeria, Angola, Bahrain, Belarus, Bolivia, Burkina Faso, Burundi, Cambodia, Cameroon, Comoros, Congo, Cuba, Democratic Republic of the Congo, Egypt, Eritrea, Gabon, Kuwait, Laos, Myanmar, Nigeria, North Korea, Oman, Pakistan, Philippines, Qatar, Russia, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Togo, Turkmenistan, United Arab Emirates, Venezuela, iyo Zimbabwe.

Go’aanka Qatar dib uga noqotay difaacida dowlada China ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey hay’adaha u dooda Xaquuqul Insaanka ee dadaalka ugu jira in caalamka uu ka hadlo tacadiyada loo geysanayo Muslimiinta ku nool China.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this