Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic la isku weedaar-saday Shabeellaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (SMN) – Ciidamadda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay hoobiyeyaal isku dhaaf-sadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Iska hor-imaadkan ayaa ka dambeeyay markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic kusoo tuureen saldhiga xoogaga difaaca Qaranka.

Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dhacdadan, wallow la sheegayo in uu jiro waxyeelo soo kala gaarey labada dhinac.

Ma jirto wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxa Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo guutadda halkaasi ku sugan.

Awdheegle ayaa kamid ah degaanaddii ugu dambeeyay ee gacanta dowladda dib loogu soo celiyay howlgalada ka socda gobolada dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this