Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiiska kufsiga Caasha Ilyaasi oo go’aan laga gaarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Maxkamadda Sarre ee Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay dib u bilaabeysaa dhageysiga kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas Aadan.

Gal-dacwadeedkan oo dil toogasho loogu xukumay saddex ruux kuwaasoo midkood uu qirtay dambiga ayaa maraya heer gaba gabo ah.

Shaqsiyaadkan oo racfaan ka qaatay xukunadaasi ayaa laga soo xiray Gaalkacyo, halkaasi oo falka uu ka dhacay bishii Febraayo ee sanadkan.

Marxuumadda oo ahayd 12-jir ayaa waxaa la sheegay in loo geystay kufsi wadareed kahor inta aanan la dhaafin nolosha.

Xeer-beegtada dowlad goboleedkaasi oo heerar kala duwan marsiisay kiiskan ayaa haatan u muuqda mid xukunka kama dambeys ah ku ridi doona.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this