Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo qaaday tallaabo ay ciidanka Xoogga uga guuleysan karaan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo booqasho ku tegay Bariire ayaa dalacsiiyey Cabdi Cali Raage oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey dagaalkii  dhowaan Xooggaga Al-Shabaab looga saaray gudaha deegaankaasi.

Taliye Indha-Qarshe ayaa Gaashaanle u dalacsiiyey sarkaalkan oo horay u ahaa Dhamme.

Sidoo kale Cabdi Cali Raage ayaa la guddoonsiiyey bilad sharaf uu ku muteystay howlgalkii lagula wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa boggaadiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi, isagoo ku dhiirogeliyey ciidamada dowladda inay sii dardar geliyaan howlgalladooda iyo waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Tallaabada lagu dalacsiiyey sarkaalkan ayaa sare u sii qaadeysa niyada ciidamada, waxaana ay suura gelin kartaa in laga guuleysto Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa muddooyinkii la soo dhaafay degmooyin iyo deegaano muhiim ah ka saaray kooxdaasi.

11-10.jpg 33-4.jpg 44-5.jpg dalacsiin.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this