Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashooyin iska soo horjeeda oo ka dhacaya Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacaan doorashooyin iska soo horjeeda.

Doorashooyinkaasi ayaa waxaa kala qabanaya maamulka Axmed Madoobe iyo murashaxiin kasoo horjeeda qaabka ay u socdaan.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsan AMISOM.

Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa laga cabsi qabaa in maanta ay kasoo wada baxaan laba madaxweyne oo iska soo horjeeda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada uu ugu cad-cad yahay Axmed Madoobe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this