Deeq A. Posted August 22, 2019 Kismaayo (SMN) – Caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacaan doorashooyin iska soo horjeeda. Doorashooyinkaasi ayaa waxaa kala qabanaya maamulka Axmed Madoobe iyo murashaxiin kasoo horjeeda qaabka ay u socdaan. Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah kuwaasi oo ay ku jiraan ajaaniib ka tirsan AMISOM. Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa laga cabsi qabaa in maanta ay kasoo wada baxaan laba madaxweyne oo iska soo horjeeda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada uu ugu cad-cad yahay Axmed Madoobe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites