Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal geystay khasaare nafeed oo ka dhacay G/Hiiraan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne-(Caasimada Online)-Dagaal aad u xoogan ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Bu’aqaqable oo qiyaastii 18 KM dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo dhex maray Al-Shabaab iyo kooxda Macawiisley oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadda gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Hir-Shabeelle.

Maxamed Cali Istakiin oo sheegtay inuu yagay hoggaamiya kooxda Macawiisley qeybtooda ka howlgasha gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay iyagu weerareen deegaanka Bu’aqaqable oo ay ka ariminayeen Al-Shabaab halkaasna uu ku dhex maray dagaal xoog leh.

Sarkaalka u hadlay Macawiislay ayaa sheegay inay Al-Shabaab dagaalkaas kaga dileen Afar dagaalame kana dhaawaceen tiro intaas ka badan, sidoo kale lix qori ayuu sheegay inay ka furteen kana qabsadeen deegaanka Bu’aqaqable ee gobolka Hiiraan, isla markaana ay hadda iyagu ku suganyihiin deegaankaas.

Dhankooda ayuu sheegay inay kaga geeriyootay dagaalkaas labo dagaalame, isagoo sheegay inaysan jirin wax ka dhaawacmay, Afarta nin ee Al-Shabaab ay ka dileen ayuu sheegay inay maydkooda geynayaan deegaanka Halgan oo ay ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab dhankooda kama hadlin dagaalkaas ay Macawiisley guulaha ka sheegatay, waxuuna dagaalkii kan ka horeeyay ee dhex maray Al-Shabaab iyo Macawiisley maalin ka hor ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle, waxaana dagaalkaas guulo ka sheegtay Al-Shabaab oo iyagu weerarkaas ku qaaday xarun ay Macawiislay ku leedahay duleedka waqooyi ee Jowhar.

Caasimada Online

Xafiiska Beledweyne

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this