Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Puntland oo markii 3aad dhegaysanaysa kiiskii Caasha Ilyaas.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa berri oo Khamiis ah waxa ay markii 3aad u fariisan doontaa dhegaysiga kiiskii kufsiga iyo dilka ee Marxuumad Caasha Ilyaas Aadan.

Wajiga 3aad ee dhegaysiga kiiskaan ayaa waxa uu noqon doonaa mid aad xasaasi u ah kadib markii maxkamaddu horay u dhegaysatey eedaymaha xukumanayaasha, qareenada u doodaya iyo qiraal mid kamid ah sameeyey.

Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo.

HOOS KA AKHRISO QIRAALKA

PUNTLANDPOST

The post Maxkamadda sare ee Puntland oo markii 3aad dhegaysanaysa kiiskii Caasha Ilyaas. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this