Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka U Dhexeeya Hindiya Iyo Pakistan Oo Loo Gudbinayo Maxkamadda ICJ + Cidda U Gudbinaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Wasiirka Arimaha Dibadda ee Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in kiiskaasi uu salka ku hayo ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee Hindiya ay ka geysaneyso aqlabiyada muslimiinta ee Kashmir, oo labada dal ay ku andacoonayaan in ay si buuxda u leeyihiin maamulka gobolkaa ka jira.

fortuneindia_2019-02_5ef5cc01-15b7-452b-

Pakistan ayaa salaasadii sheegtay inay muranka ay la leedahay Hindiya ee ku saabsan Kashmir u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, ka dib markii New Delhi ay ka laabatay maqaamkeedii gaarka ahaa ee qayb ka ahayd gobolka horaantii bishaan.

Islamabad waxay si cadho leh uga jawaabtay go’aankaas, waxay goysay ganacsiga iyo iskuxidhkii gaadiidkii waxayna caydhisay safiirka Hindiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi, ayaa u sheegay telefishanka ARY News TV inuu go’aansaday inaan kiiska Kashmir la geeyo maxkamadda cadaaladda.

“Go’aanka waxaa la qaatay kadib markii la tixgaliyay dhammaan dhinacyada sharciga,” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibadda Pakistan.

Afayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Hindiya kama aanay jawaabin hadalkan kasoo yeedhay pakistaan. Hindiya ayaa beenisay in ay ku kacday xadgudubyo xaga Xuquuqul Insaanka ah oo ka dhacay Kashmir.

Hindiya iyo Pakistan labaduba waxa ay xukumaan qaybo ka mid ah Kashmir ilaa xornimada 1947 Khilaafka ka taagan gobolka muslimiinta ku badan yihiin wuxuu ahaa goob inta badan ay ay ku dagaalamayaan labadaa dal iyadoo labadii dagaal ee dhax maray labadaa wadan ay dhaceen sannadihii sagaashamaadkii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this