Sign in to follow this  
Deeq A.

Lamaanaha Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Loo Diiday Maraykanka + Sababta Loogu Diiday Oo Lagu Sheegay Inay Bookhatay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Carrie Symonds oo ah Raysal wasaaraha Ingiriiska Mr Boris Johnson saaxiibaddii ayaa dalbatay fiisaha Maraykanka si ay halkaasi u tagto maalmaha soo socda iyada oo qayb ka ah koox arrimaha degaanka ka shaqaysa oo fadhigoodu yahay Maraykanka hase ahaatee dawladda Maraykanka ayaa diiday in ay siiso dal ku galka.

boris.jpg

Wargeyska Daily Mail oo arrintan wax ka qoray wuxuu sheegay in la rumaysan yahay in sababta loogu diiday dal ku galka Maraykanku tahay in ay Somaliland bookhatay sanadkii 2018. Symonds oo la socotay Nimco Cali oo reer Somaliland ah ayaa sanadkii hore timid Somaliland waxaanay la kulantay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyada oo muddo shan cisho ah joogtay.

Wargeyska ayaa sheegay in ay ra’isal wasaaraha Ingiriiska ee cusub Mr Boris Johnson arrintani waji gabax ku noqotay maaddaama lamaanihiisa loo diiday in ay arrimo shaqo u tagto dalka Maraykanka.

Miss Symonds ayaa Maraykanka ku lahayd kulamo muhiim ah oo la xidhiidha shaqadeeda iyada oo qayb ka ah urur ka shaqeeya badqabka badaha waxaanay halkaasi tagaysay ka hor todobaadka dambe inta aanay ra’isal wasaare Boris Johnson ku wehelin socdaalkiisa Faransiiska ee shirka waddamada G7.

Wargeyska Daily Mail ayaa ku warramaya in aanay arrintan si degdeg ah u faro gelin Karin madaxtooyada Ingiriisku maaddaama aanu Mr Johnson si rasmi ah u guursan Miss Symonds oo ay wali ku wada socdaan lamaane saaxiib ah.

Madaxtooyada Ingiriiska iyo safaaradda Maraykanka ee London ayaan arrintan ka hadal laakiin, ilo diblamaasiyadeed ayaa wargeyska u sheegay in laga shaqaynayo sidii Symonds u tagi lahayd Maraykanka sida qorshaheedu ahaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this