Sign in to follow this  
Deeq A.

3 Qof Oo Ku Dhaawacmay Banaanbax Ka Dhacay Magaalada Laascaanood Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maalada gudaheeda ay ka socdaan banaanbaxyo lagaga soo horjeedo dil dad shacab ah ay u geysteen ciidamo bileys ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

IMG_EA0D91-632BCE-EC2C77-AB8335-994BEA-2

Dibadbaxan dadka shacabka ahi ay maanta ka dhigeen gudaha magaalada Laascaanood ayaa inta la ogyahay waxa ku dhaawacmay 3 qof kadib markii ay ciidamada Bileyska Somaliland ee ku sugan gobolkaasi ay xoog u adeegsadeen dadkaasi dibadbaxayey, sida ay uu xaqiijiyeen ilo wareedo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Somaliland ay gudaha magaalada Laascaanood ay ka bilaabeen olole gudaha magaalada lagaga qabqabanayo dadka hubka sharci darada ah ku dhex sita magaalada, waxaanu hawlgalkaasi ciidamadu uu sababay in ay ciidamadu gudaha magaalada ay ku dilaan mid ka mid ah shacabka Laascaanood degan, xiligaas oo ay ku gudo jireen hawlgalkaasi lagu qabqabanayo hubka sharcidarada ah ee lagu dhex wato gudaha magaalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this