Jacaylbaro Posted January 15, 2009 Hargeysa: Daayeer Haweenay kala baxsaday Mobile Hargeysa(Geeska)-Mid ka mid ah daayeerada ku dhex nool magaalada Hargeysa, ayaa habeen hore fiidkii haweenay kala baxsaday telefoonkeedii gacanta [Mobile]. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen dad goob joog ahaa, daayeerka ayaa haweenayda oo maraysay birhiiska Hargeysa dushiisa waxa uu kala booday telefoonkeeda, waxaanu si toos ah ugula dhaadhacay dooxa ka hooseeya biriishka, “Iyadoo ciyaal eryanayo ayuu arkay gabadha oo telefoonkeeda haysata, dabadeedna wuu ka dhuftay waxaanu ula dhaadhacay dooxa.” Sidaas waxa yidhi wiil dhallinyaro ah oo markaas haweenayda u dhawaa, waxaanu sheegay inay iyagoo dhawr ah isku dayeen inay eryadaan, ‘Laakiin.” Ayuu yidhi, “Waxa uu la galay dooxa iyo beeraha dhexdooda, waanu naga dhuuntay.” Goob joogahani waxa uu sheegay in dad dhawr ahi isku dayeen inay garaacaan nambarka telefoonka uu xaday, “Telefoonkii wuu dhacayaa, waanan weynay meel uu la galay oo wuu baxsaday.” Ayuu goob jooguhu yidhi. Biriishka Hargeysa ayaa markii uu falkaasi dhacay waxa dushiisa iyo haweenaydiiba ku xoomay dad tiro badan oo ka fajacay daayeerka ku biiray tuugta telefoonada la baxsata. Dhawr bilood ka hor ayaa waxa magaalada Hargeysa ka dhacay fal noocan oo kale ah oo uu daayeer kula baxsaday telefoon gacmeed dabadeedna uu la dul fuulay guri dushii, kaas oo markii la garaacay nambarkii telefoonkana inta uu agtiisa dhigay ka ag qabsaday ciyaar, isaga oo u jiibanayay jalaska telefoonka ku soo dhacayay. Laakiin, markii dambe waxa lagu guulaystay in moobilkaas laga soo dhiciyo. Hase yeeshe falkan uu daayeerkani habeen hore kula baxsaday telefoonka haweenaydaas ayaa dadkii birhiishka xilligaas marayay ku abuuray amakaag. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted January 15, 2009 Loool war tuugsanaa... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted January 15, 2009 That must be the same monkey that terrorized some of the Egyptian teachers in Hargeisa last year. Cuntaduu ka cuni jiray markaasuu biyahana ka wasikhayn jiray....That is what the teacher in one of the English News papers. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faheema. Posted January 15, 2009 I remember when I first when back to Hargeisa and my cousin took me to 'Sariibada idaacada agteeda. Anyways, here I was day dreaming and smelling the fresh besbaas when all of a sudden I heard 'Waa Caasha waal' (or something along those lines) and people quickly started hiding their valubales. My heart sank lol I was like balo, bal maxaa kusoo raaciyey. Qofkaygii islahaa caasha waal maanta faash bay kula dhici uun baan arkay Danyeer fanta ay ku fiiqayaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted January 15, 2009 Danyeeradu dhib badnaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted January 15, 2009 Meeshuu daanyeer teleefoon jeebsiibaayo, JB xaa laga sugaa? Toloow daanyeerkaas Muse maala dhahaa? From what I remember, in Xamar (if not all) most daanyeero Muuse lee loogu wici jiray...Intee ka keensadeenoo jaan, why not Faarax or Jaamac? Quote Share this post Link to post Share on other sites
MAXIMUS POWERS Posted January 16, 2009 JB thread could be construed as something else! We all know in Hargeisa monkeys are refered as to a particular group of people!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted January 16, 2009 u harm any one of them monkeys, i am gonna collect some mag!! lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted January 16, 2009 Originally posted by -MARX-: JB thread could be construed as something else! We all know in Hargeisa monkeys are refered as to a particular group of people!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted January 16, 2009 Eebow dambiga iga ilaali. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Blessed Posted January 16, 2009 Originally posted by -MARX-: JB thread could be construed as something else! We all know in Hargeisa monkeys are refered as to a particular group of people!! LOOOL. Hahaha. In Burco too. Horta, reerkaa weli malaga xaal doontaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites