Sign in to follow this  
Jacaylbaro

In Hargeisa, Be Carefull of the Monkeys

Recommended Posts

Hargeysa: Daayeer Haweenay kala baxsaday Mobile

 

 

Hargeysa(Geeska)-Mid ka mid ah daayeerada ku dhex nool magaalada Hargeysa, ayaa habeen hore fiidkii haweenay kala baxsaday telefoonkeedii gacanta [Mobile].

 

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen dad goob joog ahaa, daayeerka ayaa haweenayda oo maraysay birhiiska Hargeysa dushiisa waxa uu kala booday telefoonkeeda, waxaanu si toos ah ugula dhaadhacay dooxa ka hooseeya biriishka, “Iyadoo ciyaal eryanayo ayuu arkay gabadha oo telefoonkeeda haysata, dabadeedna wuu ka dhuftay waxaanu ula dhaadhacay dooxa.” Sidaas waxa yidhi wiil dhallinyaro ah oo markaas haweenayda u dhawaa, waxaanu sheegay inay iyagoo dhawr ah isku dayeen inay eryadaan, ‘Laakiin.” Ayuu yidhi, “Waxa uu la galay dooxa iyo beeraha dhexdooda, waanu naga dhuuntay.”

 

Goob joogahani waxa uu sheegay in dad dhawr ahi isku dayeen inay garaacaan nambarka telefoonka uu xaday, “Telefoonkii wuu dhacayaa, waanan weynay meel uu la galay oo wuu baxsaday.” Ayuu goob jooguhu yidhi.

 

Biriishka Hargeysa ayaa markii uu falkaasi dhacay waxa dushiisa iyo haweenaydiiba ku xoomay dad tiro badan oo ka fajacay daayeerka ku biiray tuugta telefoonada la baxsata. Dhawr bilood ka hor ayaa waxa magaalada Hargeysa ka dhacay fal noocan oo kale ah oo uu daayeer kula baxsaday telefoon gacmeed dabadeedna uu la dul fuulay guri dushii, kaas oo markii la garaacay nambarkii telefoonkana inta uu agtiisa dhigay ka ag qabsaday ciyaar, isaga oo u jiibanayay jalaska telefoonka ku soo dhacayay. Laakiin, markii dambe waxa lagu guulaystay in moobilkaas laga soo dhiciyo. Hase yeeshe falkan uu daayeerkani habeen hore kula baxsaday telefoonka haweenaydaas ayaa dadkii birhiishka xilligaas marayay ku abuuray amakaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

That must be the same monkey that terrorized some of the Egyptian teachers in Hargeisa last year.

 

Cuntaduu ka cuni jiray markaasuu biyahana ka wasikhayn jiray....That is what the teacher in one of the English News papers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

I remember when I first when back to Hargeisa and my cousin took me to 'Sariibada idaacada agteeda. Anyways, here I was day dreaming and smelling the fresh besbaas smile.gif when all of a sudden I heard 'Waa Caasha waal' (or something along those lines) and people quickly started hiding their valubales. My heart sank lol I was like balo, bal maxaa kusoo raaciyey. Qofkaygii islahaa caasha waal maanta faash bay kula dhici uun baan arkay Danyeer fanta ay ku fiiqayaan :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Meeshuu daanyeer teleefoon jeebsiibaayo, JB xaa laga sugaa? :D

 

Toloow daanyeerkaas Muse maala dhahaa? From what I remember, in Xamar (if not all) most daanyeero Muuse lee loogu wici jiray...Intee ka keensadeenoo jaan, why not Faarax or Jaamac?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by -MARX-:

JB thread could be construed as something else! We all know in Hargeisa monkeys are refered as to a particular group of people!!
:D;)

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

Originally posted by -MARX-:

JB thread could be construed as something else! We all know in Hargeisa monkeys are refered as to a particular group of people!!
:D;)

LOOOL. Hahaha. In Burco too.

 

Horta, reerkaa weli malaga xaal doontaa? :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this