Deeq A. Posted August 21, 2019 Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa la soo dhoobay waddooyinka iyo xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa gaadiidka isaga kala gooshayey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale hakad la galiyey dhaq dhaqaaqa garoonka diyaaradaha iyo dekedda weyn ee magaaladaasi. Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu arkayaa halkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in arrintan laga gol leeyahay xaqiijinta amniga, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga. Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa beri oo Khamiis ah ka dhaceyso gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites