Deeq A. Posted August 21, 2019 Hargeysa (SMN) – Wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa si kulul uga hadlay dagaal shalay ciidamada maamulkaasi iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland ku dhex maray deegaanka Hadaaftinimo gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Maxamed Muuse Diiriye ayaa ku eedeeyey Puntland in ay weerar jidgal ah ku qaaday kolonyo uu la socday mas’uul ka tirsan Somaliland. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in ay si aad ah uga xun tahay dagaalkaasi Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in ciidankooda aysan u dulqaadan doonin gardaro, islamarkaana ay iska difaaci doonaan, haddii weerar lagu soo qaado Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites