Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo eedeyn culus u jeedisay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Wasiirka warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa si kulul uga hadlay dagaal shalay ciidamada maamulkaasi iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland ku dhex maray deegaanka Hadaaftinimo gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Maxamed Muuse Diiriye ayaa ku eedeeyey Puntland in ay weerar jidgal ah ku qaaday kolonyo uu la socday mas’uul ka tirsan Somaliland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in ay si aad ah uga xun tahay dagaalkaasi

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in ciidankooda aysan u dulqaadan doonin gardaro, islamarkaana ay iska difaaci doonaan, haddii weerar lagu soo qaado

Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this