Deeq A. Posted August 21, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta Munaasabad lagu daah-furayey hoteelka cusub ee Maa’ida oo loo dhisay qaab casri ah lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho. Munaasabadda furitaanka ee Maa’ida Hoteel ayaa waxaa ka qeyb galay, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culuma u diin , ganacsato iyo marti sharaf kale. Ugu horreyn Siciid Cabdikariin Karaama oo ah maamulaha guud ee Maa’ida hoteel ayaa ka hadlay xafladda, wuxuuna sheegay in hoteelkan ay maalgalinayeen muddo labo sano ah. Karaama ayaa sidoo kale xusay in ay bixin doonaan adeegyo tayo leh, islamarkaana ay qancin doonaan macaamiishooda. Dhankiisa Sheekh Cali Maxamuud Xssan (Ca Wajiis) oo ka mid ah culumadii ka qeyb gashay munaasabadda furitaanka Maa’ida Hoteel ayaa u mahadceliyey ganacsatadii hirgelisay, isagoona tilmaamay in hoteelkaan uu macno gaar ah u leeyahay madaxda dhaqanka ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay waxgarad iyo ganacsasto Soomaaliyeed, kuwaas oo sheegay in lagu soo aadiyey, xilli loo baahnaa. Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Imaam Maxamed Yuusuf, wuxuuna shaaciyey in ay ka dhaqan ahaan saldhig ka dhigan doonaan hoteelka cusub ee Maa’ida. Hoteelkan oo loo dhisay si casri ah ayaa ku yaalla inta u dhexeysa dhismaha Hooyooyinka iyo Shabelle, gaar ahaan dhismihii hore ee Shiinaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites