Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Kenya oo Jabuuti kaga adkaatay loolankii xubunnimada golaha ammaanka QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa taageeray musharaxnimada Kenya ee ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee QM, kadib codeyn maanta uu qaaday ururuka oo ka dhacday xaruntiisa magaalada Addis-Ababa.

Kenya ayaa waxa ay ka adkaatay Jabuuti oo ay kursigan ku loolameen, ayada oo heshay 37 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 13.

Kenya ayaa taageerada Midowga Afrika heshay kadib wareeggi labaad ee codeynta Guddiga Xubnaha Joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Kursiga ay Kenya dooneyso inay ku fariisato oo ah mid ka mid ah 10-ka dal ee aan xubnaha joogtada ka ahayn Golaha Ammaanka, ayaa billaabanaya bisha Janaayo ee 2021, wuxuuna ku egyahay December 2021, muddo hal sano ah.

Kenya ayaa hadda u baahan inay ku guuleysato saddex meelood laba meel codadka dalalka xubnaha ka ah QM, marka codeynta ay dhacdo bisha June ee 2020. Si kastaba ha ahaatee, taageerada Midowga Afrika ee ah in Kenya noqoto dalka u sharaxan qaaradda Afrika ayaa xaqiijinaya in Kenya kurisgan hesho.

Dalalka Midowga afrika oo gaaraya 54 dal, ayaa waxay yihiin 28% dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Guusha Kenya ayaa dhabarjab weyn ku ah Soomaaliya, ayada oo Kenya ay kursigan uga faa’iideysan karto inay abaabusho olole ka dhan ah Soomaaliya, si kiiska maxkamadda ee badda looga laabto, ayada oo taageero ka heleysa dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka.

Kenya ayaa sidoo kale isku dayi doonta inay golaha mariso qaraarka 1267 oo ujeedkiisu ugu weyn yahay in lagu beegsado hantida, dhaqaalaha iyo ganacsatada Soomaaliya, ayada oo lasoo marayo cunaqabteynta Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this