Deeq A. Posted August 21, 2019 Nairobi (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay kadib dagaal ka dhacay degaanka degaanka Lafey ee ismaamulka Mandera ee dalka Kenya. Iska hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo dagaalameyaal ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab. Ruuxa dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in uu ahaa macalin dugsi Quraan oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Mas’uuliyiinta oo xaqiijiyey ayaa xusay in askari la la’yahay dhacdadan kadib, isla markaana ay Al-Shabaab burbursay anteenadda shirkad is-gaarsiin. Maamulka maxaliga ah ee tuuladda ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in ay kala shaqeyso baadigoobka askariga la la’yahay. Dhinaca kale, Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin falkan, oo baqdin ku abuuray dadka degaanka. Tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, Al-Shabaab oo gudaha dalkaasi guuto ka sameysatay ayaa weeraro ay ku naf-waayeen boqolaal shacab u badan ku dishay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites