Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa si kulul uga hadlay dagaal shalay ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Puntland ku dhex maray degmada Hadaaftinimo ee gobolka Sanaag.

Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Puntland oo wata ciidamo uu weerar jidgal ah ku qaaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka ay Somaliland u bixiysay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay si aad ah uga xun tahay dagaalkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidankooda aysan u dulqaadan doonin gardaro, islamarkaana ay iska difaaci doonaan, haddii uu weerar kaga yimaado dhanka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dagaalkan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland, islamarkaana guddoomiyaha la weeraray uu ku laaban doono xafiiskiisa.

Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-somaliland.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this