Deeq A. Posted August 21, 2019 Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaa iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo laga soo galo degmadaasi. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi. Cali Waal ayaa sheegay in dagaalkan uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sidoo kalen uu uga dhaawacmay hal askari. Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in dhanka Al-Shabaab dagaalkaasi ay kaga dileen illaaa far ka mid ahaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-1-Cabdiqani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites