Deeq A. Posted August 21, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa laga dareemayaa magaaloooyinka Dhuusmareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan Galmudug. Shalay ayey aheyd markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan ka bilaabanayo gudaha maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites