Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo ballan adag la galay Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa ka dhacay mid ka mid ah hoteellada ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada maamulkaas ee maalinta bari ah dhaceysa.

Inta badan xildhibaanada ayaa u ballan qaaday in ay codkooda siin doonaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale waxaa kulankan diirada lagu saaray, sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Qaban qaabadii ugu dambeysan ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyadoona Jubbaland ay ka dhega fureystay baaq ay u soo jeedisay beesha Caalamka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe.

Ju.jpg 11-9.jpg 22-6.jpg 33-3.jpg 44-4.jpg 55-2.jpg 66-1.jpg 77-2.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this