Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo jab xoogan kala kulmay dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jab xoogan iyo khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkaasi.

Cali Waal ayaa tilmaamay in ay dileen illaa afar ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo xusay inay soo weerareen koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal qof oo rayid ahaa, dhankoodana uu uga dhaawacmay hal askari, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/qor.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this