Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo qabsatay deegaan ka tirsan Mudug si ay uga gudbiyaan odoyaal dhaqameed.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo-(Caasimada Online)- Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa galabta muddo kooban la wareegay gacan ku heynta deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Dad ku sugan deegaanka Camaara ayaa Caasimada Online u sheegay inay Al-Shabaab wateen gadiid dagaal oo aad u xoogan, waxayna Shabaab dadkii ku sugnaa Camaara u sheegeen inay gudbinayaan Odayaal dhaqameed kasoo baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Al-Shabaab Odayaasha ay halkaas ka qaadayaa waxay sheegeen inay geynayaan magaalada Xarardheere ee isla gobolka Mudug, waxayna Odayaashaas qeyb ka yihiin kuwii soo xulay Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ku dhawaad Seddax saac ay ku sugnaayeen deegaanka Camaara, kaddib markii ay soo gaareen Odayaashii ay sugayeena ay u qaateen dhanka degmada Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay dalka ka maamulaan.

Degaanka Camaara oo qiyaastii 85-KM waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maalin ka hor waxaa tagay ciidamada xooga dalka, gaar ahaan kuwa Danab.

Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo maalin galinkeed ku sugnaay deekaankaas waxay ka sameeyeen howlgal guri guri ah, iyagoo ka kaxeystay Seddax Nin oo ay sheegeen inay la shaqeynayeen Al-Shabaab.

Camaara malahan wax maamul ah waana deegaan weyn, bulshada deganna waxay dhamaantood kasoo jeedaan beesha degta magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online Odayaasha maanta ay Al-Shabaab ka gudbiyeen Camaara ee ka tagay Gaalkacyo waa qeybtii ugu dambeysay ee ka baxda gobolka Mudug.

Odayaashaas ayaa la sheegay inay markii hore ka dhaga adaygeen amarkii Al-Shabaab ee ahaay inay iska soo diiwaan galiyaan deegaanadooda, balse ay hadda ku dhiiradeen inay tagaan deegaanada Al-Shabaab si ay u maraan diiwaankooda, kaddib markii ay arkeen Odayaal u tagay ee kasoo laabtay, sidoo kalana intii ka dhaga adeygtay amarkaas dil loogu hanjabay.

Caasimada Online

Xafiiska Gaalkacyo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this