Deeq A. Posted August 20, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jubbaland, gaar ahaan garabka la magac baxay bad-baadada Jubbaland, ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland. Sidoo kale baarlamaanka maanta magacaabay guddiga doorashada, ayaa waxay soo saareen habraaca doorashada madaxweynaha Jubbaland, oo ay sheegeen in la qabanayo 22-ka bishan. Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban 13 qof, dhaamaantoodna waa xildhibaanada garabka ay ku dhawaaqeen musharaxiin is-baheysatay oo kasoo hor jeeda, hanaanka loo wado doorashada maamulkaas. Share this post Link to post Share on other sites