Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Hadaaftimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen wefdi ka socday Somaliland ku soo jeeday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag kuwaasi oo marayey nawaaxiga degmada Hadaaftimo sida ay sheegeen dadka degaanka.

Sidoo kale ciidamada Puntland ayaa qabsaday gaari Land Cruiser ah oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ugu magacaaban gobol ay u bixisay Badhan oo loola jeedo degmada Badhan iyo degaannada hoos yimaada sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wefdiga Somaliland oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha u qaabilsan gobolka Badhan oo lagu magacaabo Maxamuud Xaamud ayaa dib uga laabtay degmada Hadaaftimo kadib dagaal saacado halkaasi ka socday.

Sawirka hoose waa gaariga Puntland qabsatay

3-42.jpg?w=1000&ssl=1 2-39.jpg?w=1000&ssl=1 1-40.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay dagaal Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray Hadaaftimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this