Deeq A. Posted August 20, 2019 Warar dheeraad ah oo hadda soo baxay aya xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay Somaliland ka qabsadeen gaari nooca Teknikada ah oo la socday wefdiga guddoomiyaha Somaliland u qaabilsan gobolka ay u bixisay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar. Wefdiga Somaliland oo ku socday dhinaca magaalada Badhan ayaa waxa weeraray ciidamo ka tirsan Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Xuseen Maxamed (Cali Soomaali) halkaasi oo dagaal culus ku ku dhexmaray labada dhinac. Wefdiga waxaa lagu weeraray nawaaxiga degmada Hadaaftimo oo ku taalla galbeedka magaalada Badhan waxaana sida la xaqiijiyay dagaalka ku dhintay laba askari oo dhinacyadii dagaallamay ah halka ay ku dhaawacmeen saddex askari oo kale. Bulshada ku dhaqan Hadaaftimo ayaa sheegay in wefdiga Somaliland ay dib u laabteen islamarkaana ay Puntland ka qabsatay gaari Land Cruiser oo uu leeyahay guddoomiyaha Somaliland ee gobolka Badhan Maxamuud Xaamud. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Puntland ayaa hadda xaqiijiyay in ay wefdiga Somaliland ka qabsadeen gaari kale oo nooca Teknikada ah kaasi oo ay soo bandhigi doonaan sida sheegeen. PUNTLAND POST The post Puntland oo gaari Teknika ka qabsatay Somaliland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites