Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe “Al-Shabaab waan ka saari doonaa Bu’aale”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha hadda talada haya ee Jubbaland oo maanta khudbad u jeedinayey golaha wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay waxqabadkiisa, hadii mar saddexaad loo doorto hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu xooga saari doono dagaalka adag ee lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in Jubbaland ay heysato ciidan ku filan, islamarkaana uu Al-Shabaab deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan caasimada Bu’aale uga saarayo 18 bil gudahood.

”Jubbaland waxaa ay leedahay Ciidamo cudu leh oo dagaalama,waxaana idiin sheegayaa in mudo 18 Bilood gudahood ah aan Al-Shabaab uga saari doono deegaannada Jubbaland oo ay ka mid tahay Caasimadda Jubbaland ee Buu’aale ayuu yiri Axmed Madoobe.”

Khamiista soo socota ayey dhici doontaa doorashada madaxweynaha Jubbaland, waxaana sanadkan loolan adag la kulmaya madaxweyne Axmed Madoobe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this