Deeq A. Posted August 20, 2019 Kismaayo (SMN) – Taliyaha guud ee AMISOM Tigabu Yilma iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Tigabu Yilma ayaa marka uu tegay Kismaayo Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha magaaladaasi. Ujeedka socdaalka taliyaha ayaa la xariira, sidii uu xalin lahaa xiisad u dhexeysa ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo ka taagan halkaasi. Xiisada ayaa ka dhalatay, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay shalay ka biyo diideen in Kismaayo ay ka degto diyaarad ciidamo ka soo qaaday dalka Itoobiya. Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa saacadaha soo socda kulamo gaar gaar ah la qaadan doono saraakiisha labada dhinac iyo madaxda sare ee maamulka Jubbaland. Dhaq dhaqaaqyadani ayaa ku soo aadaya, iyadoo 22-bishan doorashada Jubbaland ay ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites