Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Dagaalka ayaa sida dadka degaanku sheegayan wuxuu bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen wefdi oo hoggaaminayo guddoomiyaha Somaliland u qaabilsan gobolka ay u bixisay Badhan oo ah qeyba kamid ah gobolka Sanaag.

Waxa adag in xog sugan laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda nawaaxiga degmada Hadaaftimo.

PUNTLAND POST

The post Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka socda gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this