Sign in to follow this  
Deeq A.

Dayactir lagu bilaabay qaybo kamid ah buundada weyn ee Garoowe.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda hoose ee degmada Garoowe ayaa maanta bilowday qorshe ay ku dayactirayso qaybo kamid ah buundada weyn ee magaalada Garoowe, oo ahmiyad gaar ah u leh isu socodka gaadiidka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Qorshahaan dayactirka ah oo qayb ka ah dedaalo dib loogu dhisayo meelaha burburay ee buundada ayaa waxaa lagu xirayaa afarta geesood ee buundada si aysan biyaha roobku u goyn.

Duqa degamda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay inay socoto qiimayn lagu samaynayo buundada dayactirkeeda guud haseyeeshee ay doonayaan in waxyeelada laga dhawro qaybaha bed qaba ee buundada.

68256647_669923573527490_319100254305229

Dhowaan ayey ahayd markii duqa degmada Garoowe iyo Engineerada shirkadda TTN Turki ay booqdeen buundada si ay u qiimeeyaan baaxadda waxyeelada ay qabto iyo qiimaha ku bixi kara.

68693242_675233449663169_573441585285850 68913745_675233372996510_317732919254292

PUNTLANDPOST

The post Dayactir lagu bilaabay qaybo kamid ah buundada weyn ee Garoowe. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this