Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala geli doonin Xuduudaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo cuskanaya qodobka 7-aad ee Dastuurka dowladda Puntland ayaa lagu caddeeyay in aan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato Somaliland.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay ee Sool Sanaag iyo Cayn.

Hoos ka akhriso qoraalka madaxweyne ku xigeenka

DDAA.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala geli doonin Xuduudaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this