Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo musharrax oo iska casilay doorashada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Waxaa maanta tartanka doorashada Jubbaland iska casilay labo musharrax oo ka mid ahaa xubnaha sanadkan isku soo taagay xilka madaxweynaha maamulkaasi.

Labada musharrax ayaa kala ah Cabdi Xiis iyo Axmed Cabdi oo labaduba ka mid ahaa musharraxiinta garabka taageersan Axmed Madoobe .

Musharraxiintan oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay sababaha ay uga tanaasuleen doorashada.

Ug horreyn musharrax Cabdi Xiis ayaa sababtaku uu ku tanaasulay ku sheegay inuu xeeriyey xaaladaha ka jira Jubbaland iyo dalab uga yimid beeshiisa.

Sidoo kale musharrax Axmed Cabdi ayaa isna shaaciyey inuu isku casilay sababo isaga u gaar ah iyo danta shacabka kudhaqan Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxaa maanta hoolka doorashada ka bilowday hadal jeedinta musharraxiinta loolamaya doorashada Jubbaland.

Illaa afar musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Axmed Madoobe ayaa khudbahooda ku horjeediyey xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Inta badan musharraxiinta ayaa soo bandhigay waxqabadkooda ku aadan, haddii loo doorto xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada ayaa dhaci doonto Khamiista soo socota, balse waxaa weli jira is qab qabsi u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this