Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo faah faahiyey duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in saaka diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dueynta aheyd mid xoogan ayaa ka dhacday deegaanka Kuunyobarow oo ka tirsan gobolkaasi, sida lagu shaaciyey warka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa.

AFRICOM ay sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay xubin sare ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in wax khasaare nafeed ah uusan ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ah.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo khasaaro geysta ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this