Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho City Club Oo Barbaro Ka Heshay Tartanka Kooxaha Qaarada Afrika Ee Caf Confderation

Recommended Posts

Deeq A.   

Naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo sanadkan ka qeybgashay ciyaaraha Caf Confedration ayaa 30 sano ka dib kulankii ugu horeeyay barbaro la gashay kooxda reer Zanzibar ee Malindi Sports Club,iyadoo taageerayaasha iyo maamulka kooxdan ay soo dhaweeyeen talabadan horomarka u ah.

68601810_455120348375520_190418689757649Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa sheegay in sanadkan madaxda xariirka ay ka shaqeeyeen in mudo dheer ka dib naadiyada kubbadda cagta ay ka qeyb qaataan ciyaaraha kala gedisan ee qaarada Afrika,tani ay kor u qaadayso horomarka isboortiga Soomaaliya.

Cabdiqani-Sacii-Carab.mp4.00_00_01_08.St

Xidigaha Muqdisho City Club oo kulankii ugu horeeyay  ku dheelay magaca caasimada tartamada dibada tan iyo markii ay la wareegeen maamulka Gobolka Banaadir 25-November 2018 ayaa barbaro 0-0 la galay kooxda Malindi Sports Club ee ka dhisan dalka Zanzibar guddoomiyaha naadiga Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa bogaadin iyo dhiirigelin u diray maamulka iyo xirfadlaayasha naadiga dowladda hoose.

00301.MTS_.00_00_52_16.Still001-1024x576

Maamulka Muqdisho City Club ayaa horaanta bisha August 2019 is badal ku sameeyay hogaaminta dhinaca macallinka,iyagoo jagada tababarnimo ee kooxda u magacaabay Maxamed Mestiri Lamjed oo u dhashay wadan Tunuusiya wuxuuna booskan ka badalay Xuseen Mblangu Xasan oo shantii lasoo dhaafay mamaulay M.C.C.

66651472_2222728557804828_30870487738225
Guddoomiye xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa Goobjoog u sheegay in ay tahay wax wanaagsan barabarah ay sameeyay ciyaarayahada iyo macallimiinta naadiga dowladda hoose tani ay kor u qaadayso waaya aragnimadooda ka qeybgalka ciyaaraha kala duwan ee qaarada Afrika.

00309.MTS_.00_01_45_19.Still001-1024x576

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Baraha Ay Gashay Naadiga Muqdisho City Club

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this