Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacishta Somalia oo qorsheyneyso inay u wareegato Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuqaal ay baahisay kooxda la magac baxday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa lagu sheegay inay qorsheyneyso in ay u wareegato dhinaca dalka Itoobiya.

Muuqaalkan oo socday muddo saddex daqiiqo ah, islamarkaana ay baahisay kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa ku baxayey afka Amxaariga.

Daacish ayaa dooneyso in ay ka faa’iideysato deganaansho la’aanta ka dhalatay qowmiyadaha is diiddan ee dalkaasi, sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Geeska Africa.

Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dhulka Buuraleyda ee Puntland ayaa horay u soo bandhigtay dagaalyahanno Itoobiyaan ahaa oo ku dhintay dagaallada ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh Cabduqaadir Cali Muumin, waxaana ka barbar dagaalama dagaalyahanno badan isugu jira Soomaali iyo Ajaaaniib intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this